EnglishKhmerSomaliVietnameseLaoSpanishHmong

 

 

KU SOO DHAWOOW
Qeylo dheer oo baroor-diiq xaalad degdeg ah ayaad maqli kartaa.  Cudur halis ah ayaa ka dhex dillaaci kara bulshada aad la nooshahay.  Ma garan kartaa meel aad ka heli warbixin aad ku badbaadin karto naftaada iyo qoyskaaga?

Haddaba jawaabtu waxay noqoneysaa: ECHO.

ECHO (Emergency and Community Health Outreach) waxaa loo sameeyey in ay dadka aan af Ingiriis fiican ku hadlin ka helaan macluumaad ay ku heli karaan luuqadaha ay sida ugu fiican u fahmi karaan. Macluumaadku waa kuwa ku saabsan caafimaadka iyo ammaanka, waxaana loogu tala galay inay naftooda ku badbaadin karaan.



Red Envelope Saxiix ku dalbo Emailka ECHO ee La-socodsiinta waxa cusub
  ECHO TV
Sida Loo Daryeelo Dadka Lagu Karantiilo Guriga iyo Kuwa Lagu Karantiilo Isbitaalka
Eeg waxa aad u baahan tahay ee aad ka heleyso ECHO TV.

Taleefashinka tpt-MN-Channel 17 ee Magaalooyinka Mataanaha ah iyo Nawaaxigooda. Minnesota inta ka baxsan Magaalooyinka Mataanaha ah la soco macluumaadka kanaallada ee halka aad deggen tahay.
Haddaba daawasho wacan!



ECHO Phone

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriir taleefanka ECHO Phone ee 1-888-883-8831. Waa taleefan lacag la’aan lagu soo garaaco oo horay loogu sii duubay farriimo ku saabsan caafimaadka iyo ammaanka. Farriimahaas bil kasta kolka aysan wax xaalad degdeg ah jirin 10 luuqadood ayaa lagu duubaa.



Caafimaadka & Ammaanka

Guji halkan oo arag siyaabaha aad caafimaadkaaga ugu dedaali karto.