EnglishKhmerSomaliVietnameseLaoSpanishHmong

 
CIDDA AANNU NAHAY

ECHO (Emergency and Community Health Outreach) waxaa ka wada shaqeeya hay’ado isugu jira kuwa ku hawlan caafimaadka iyo ammaanka Minnesota oo dhan, ururrada u adeega jaaliyadaha, iyo kuwa kale oo badan oo aan iyagu macaash ku shaqeyn sida Laanqeyrta Cas ee Mareykanka (laamaha ku yaallaTwin Cities).

Hoggaanka iyo fikraduhu waxa ay ka yimaadaan Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha Saint Paul  Degmada Ramsey, Hay’adda Badbaadinta iyo Caafimaadka Dadweynaha Degmada Hennepin, Waaxda Caafimaadka Minnesota iyo hay’ado kale oo ku hawlan diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha.

ECHO waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan caafimaadka iyo ammaanka. Macluumaadka waxaa loogu tala galay dadka aan ku hadlin af Ingiriis fiican, waxaana la soo gudbiyaa marka ay jirto xaalad degdeg ah iyo marka aysan jirin. Macluumaadka waxaa lagu qoraa dhowr luuqadood dabadeedna waxa lagu sii gudbiyaa fakis ahaan, taleefan, taleefashin iyo barta intarnetka.

ECHO waxaa la bilaabay sannadkii 2004-ta; waxaa sameeyey ururro ka hoos shaqeeya caafimaadka dadweynaha iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah. Hay’adahaasi waxa ay arkeen in loo baahan yahay nidaam cusub oo lagu caawin karo badbaadinta iyo caafimaadka dadka reer Minnesota oo dhan, iyada oo ay gobolkan ku soo biireen boqollaal iyo kumannaan muhaajiriin iyo qaxooti ah oo ka soo jeeda dhaqammo iyo cimilo kala duwan. Dadka ku cusub gobolkan waxa ay u baahan yihiin macluumaad ku saabsan caafimaadka iyo ammaanka. Laakiin waxa kale oo loo baahday in dadka cusub loogu adeego siyaabo kale, sababtoo ah dadkaasi af Ingiriis fiican kuma hadlaan; waxyaabaha gobolka oo dhan ka dhici kara waxaa ka mid ah inuu dillaaco cudur ay dadka oo dhan si dhakhso leh isu qaadsiiyaan, sida cudurka kudka ah ee SARS ama qarax bambaano oo uu qof si ulakac ah u sameeyo.

ECHO wuxuu u adeegi doonaa dadka Minnesota ku cusub inta ay afka Ingiriiska ka baranayaan. Hase yeeshee dadka reer Minnesota oo dhan ayuu faa’iido u yahay, sababtoo ah haddii ay dhacdo inuu dillaaco cudur xun qofna kama baxsan karo haddii uusan marka hore macluumaad helin.  Haddaba kolka ay xaalad degdeg ah jirto ayaa la doonayaa inaysan marna dadka reer Minnesota ku dhicin in la wargelin waayo iyadoo ay ugu wacan tahay in aan luuqadda iyo dhaqanka wax aqoon ah loo lahayn.