EnglishKhmerSomaliVietnameseLaoSpanishHmong

 
SIDA AAD ECHO U CAAWIN KARTO

ECHO wuxuu dhiirri-gelinayaa hay’ado fara badan sida kuwa ku hawlan caafimaadka iyo ammaanka ee Minnesota oo dhan, ururrada u adeega jaaliyadaha, iyo kuwa kale ee aan iyagu macaashka ku shaqeyn oo ay ka mid tahay Laanqeyrta Cas ee Mareykanka laamaha ku yaalla Minneapolis iyo St. Paul, inay dhammaantood ku soo biiraan taageeridda hadafka iyo shaqada barnaamijka.  Fadlan wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loogu soo biiro kala soo xiriir Agaasimaha Mashruuca ECHO, Lillian McDonald - Executive Director.

Si mashruuca caawimaad dhaqaale loogu helo waxa kale oo uu ECHO raadinayaa kaalmo dhaqaale oo ka timaadda dadweynaha caadiga ah, dadka ganacsadayaasha ah, iyo ururrada aan macaashka ku shaqeyn.   Ciddii wax bixineysa waxa ay kala dooran karaan inay mashruuca oo dhan dhaqaale ugu deeqaan ama inay si toos ah dhaqaalaha ugu soo gudbiyaan fakiska, taleefanka, taleefashinka, ama barta intarnetka ee ECHO.  Barnaamijyada taleefashinka ECHO TV dhaqaalaha waxaa loogu deeqi karaa iyada oo si toos ah loo bixinayo kharashka ku baxa mowduuc gaar ah oo dhowr luuqadood ku baxaya, ama waxaa dhaqaalaha loogu deeqi karaa in la bixiyo dhammaanba kharashka guud ee ku baxaya soo-saaridda taleefashinka. Fadlan wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan sida kaalmo dhaqaale loogu deeqo kala soo xiriir Agaasimaha Mashruuca ECHO, Lillian McDonald - Executive Director.

Siyaabaha kale ee aad ECHO TV u caawin karto:

Barnaamijyada Daawo oo Dadka Kalena La Socodsii
Bil kasta daawo barnaamijyada dabadeedna u sheeg dadka kale ee aad garaneyso.

Noqo Qof Nagu Caawiya Helidda Marti Aqoon u Leh Barnaamijyada
Haddii aad garaneyso dad aqoon fiican u leh caafimaadka iyo ammaanka oo ku hadli kara luuqadaha uu ECHO ku soo baxo fadlan noo soo gudbi magacyadooda. Mar kasta waxa aannu raadinnaa dad aqoon u leh mowduucyada ECHO looga hadlayo si aannu u martiqaadno oo aannu u soo bandhigno fikradahooda. Wixii faahfaahin dheeraad ah Kala Soo Xiriir ECHO (Contact ECHO).

Shariik ka noqo ECHO
ECHO waxay soo dhawaynaysaa caafimaadka dadweynaha, badbaadada iyo wakaaladaaha kale ee dawladda, ururada talada, ururada dadwladda iyo kuwa samofalka in ay ka mid noqdaan iskujirka ECHO. Si aad u ogaato noqoshada shariigga ECHO, halkan guji (Dhokomentigani wuxu ku qoran yahay Ingiriisi). 

Si aad u ogaato noqoshada shariigga ECHO, waxa la weydiinayaa ururkaas inay samayso waxyaabaha soo socda

  1. Ogolaato mid ama ka badan doorarka ECHO
  2. Saxiix Waraaqda Ballanqaadka
  3. Ka-qaybgal xafladda sannadlaha ee tababarka ay qabtaan ECHO