
|
|
ECHO EMAIL
Fakiska ECHO waxaa loo isticmaalayaa in lagu diro macluumaadka muhiimka ah ee caafimaadka iyo ammaanka. Fakiska waxaa loo diraa in ka badan laba-iyo-toban ka mid ah jaaliyadaha magaalada, kuwaas oo iyaguna isku raacay inay ECHO la shaqeeyaan. Jaaliyadahaasi waa meelo ay dadkoodu ku aammin qabaan iyaga oo ka helaya macluumaadka loo diyaariyo. Kolka aysan xaalad degdeg ah jirin ECHO wuxuu fakis iyo cinwaanka intarnetka (e-mail) kula xiriirayaa dhammaanba jaaliyadaha la shaqeeya. Jaaliyadahaasi oo dhan waxa ay isku raaceen inay macluumaadka ECHO u gudbin doonaan dadka ay isku waddanka yimaadeen ama ay isku luuqad ku hadlaan. Kolka ay xaalad degdeg ah jirto, ECHO wuxuu farriimo fakis degdeg ah u diri doonaa jaaliyadaha iyada oo la ogeysiinayo dareenka cusub iyo hadba wixii is beddel ah ee soo kordha.
|