EnglishKhmerSomaliVietnameseLaoSpanishHmong

 
MOWDUUCYADA CAAFIMAADKA IYO AMMAANKA

Bil walba taleefashinka ECHO TV waxa uu sameeyaa barnaamij taleefashin ah oo ku baxa dhowr luuqadood, iyada oo looga hadlayo arrin markaa taagan oo la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka. Intaas waxaa sii dheer taleefanka ECHO Phone ayaa isna kuu haya macluumaad caafimaadka la xiriira oo horay loogu sii duubay taleefanka 1-888-883-8831. Haddaba waxaad daawan kartaa barnaamijyada taleefashinka ECHO TV, ama intarnetka ayaad kala soo degi kartaa qoraallada taleefashinka ECHO TV iyo taleefanka ECHO Phone. Fadlan eeg Sida loo isticmaali karo.

Qofkii doonaya inuu mowduuc gaar ah si faahfaahsan wax uga sii barto waxaa loo diyaariyey linkiyo intarnetka ah oo laga soo xigtay meelo la aammini karo macluumaadka dheeraadka ah ee ay hayaan.

Macluumaadka ku qoran linkiyada aannu kugu hageyno waa kuwa sax ah kolka lagu cabbiro aqoonta uu ECHO u leeyahay. Hase ahaatee waxa aannu dadka kula talineynaa inay la socdaan linkiyada mowduuc kasta si ay u ogaadaan haddii ay jiraan wax cusub oo la beddelay. Macluumaadka barnaamijyada laga helo waa inaan marna lagu beddelan talada iyo daryeelka caafimaadka ah ee laga heli karo dhakhtar, kalkaaliye caafimaad, ama dadka kale ee caafimaadka ka shaqeeya.

Red Envelope Rukunso Digniinta, Talada Caafimaadka iyo Badbaadada ama La-socodka waxa Cusub

Mowduuca Hadda Lagu Jiro

Watch the Show

Resources:
Read the TV Script (PDF)